{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweyay Magaalada Abuuja

0
256

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo uu ka mid yahay; Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa gaaray Magaalada Abuuja ee caasimaddda dalka Nigeria.

Garoonka diyaaradaha Abuuja ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Xasan kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka dalka Nigeria, iyadoo Wafdigan Madaxweynaha ay kaga Qayb-geli doonaan Magaalada Abuuja Caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Nigeria, Muhammadu Buhari.

madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Abuuja kula kulmi doona madax kala duwan oo dunida ka socda, kana Qayb-galaya Xafladda Caleemo-saarka Madaxwenaha Nigeria.

Geesta Kale Wufuud kala duwan oo Afirka iyo kuwo Caalamka ka kala socda ayaa iyana ka Qayb-galaya caleemo-saarka, iyadoo Buhari uu ku guuleystay doorashadii dalka Nigeria ka dhacay sanadkan, isagoo ka adkaaday madaxweynihii ka horreeyay Goodlack Jonathan.

Xasan Sheekh Xasan Sheekh.1jpg Xasan Sheekh.4jpg Xasan Sheekh.3jpg Xasan Sheekh.5jpg Xasan Sheekh.2jpg