{DAAWO SAWIRADA} Rag Lagu Edeyay Iney Ka Tirsan Yihiin Al.Shabaab Oo Laso Bandhigay

0
326

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa lagu soo bandhigay Sadax nin oo la sheegay in ay kamid ahaayeen Saraakiisha Al-Shabaab ee ka dagaalama Buuraha Galgala .

Saraakiishan lagu soo bandhigay ayaa kala ahaa Muqtaar C/nuur oo ku magac dheer Axmad Guray taliyihii Al-Shabaab ee buuraha Golis, C/waaxid Cali Kamaadiid iyo Guuleed Bashiir.

Saciid Jaqanaf’Taliyaha ciidanka booliska Puntland oo Warbaahinta kula hadlay goobtii ragan lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in ragan ay ahaayeen xubno sar sare oo katirsan Al-Shabaab laguna soo qabtay howlgalo ay Ciidamadu sameeyeen.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in Mukhtaar Cabdinuur uu ahaa Taliyaha Aaga Galgala ee Shabaab,waxaana uuna intaa raaciyay in Cabdiwaaxid Cali uu isna Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Gabayada,halka Guuleed Bashiir uu isna ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Shabaab.

Muqtaar C/nuur (Axmad Guray) oo isna Warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay ayaa sheegay xiligii la soo qabanayey in uu isaga baxay Al-shabaab, isla markaana ciidanka Puntland ay ka soo qabteen magaalada Garowe, Waxa uuna intaa raaciyay in uu mar ahaa Taliyihii Aagag Galgala ee Al-Shabaab.

Maamulka Puntiland ayaa dagaal xoogan kula jira Dagaalyahanada Al-Shabaab ee sadhigyada ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxaana marar badan Ciidamada Puntiland iyo kuwa Al-Shabaab Dagaalo dhiig badan ku dataeen uu ku dhax maray Buuraha Galgala.

Shabaab.1jpg Shabaab.2jpg Shabaab.3jpg Shabaab