{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Oo Caawa La Kulmay Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda.

0
253

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa caawa kulan la qaatay guddi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Haweenka, Wasiirka Dhalinyaradda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaaha.

Gudigaana ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dadka soo gaaray magaalada muqdisho iyo sida loo qaabilay, iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka tirade badan ee soo gaaray magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid ayaa gudiga uga warbixiyey dadka soo gaaray magaalada Boosaaso oo tiradoodu gaarayso 5,000 qof oo isugu jira Soomaali, Ethiopian iyo Yemaniyiin.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa gudiga u sheegay muhiimada ay leedahay in loo diro wafti wasiiro ah Maamulka Puntland, si dadka halkaas jooga iyo kuwo imanaya ay isaga kaashadaan la socdkooda dhanka amniga iyo diwaan galintooda qaxootinimo.

IMG_4037 IMG_4047 IMG_4050