{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliland Oo Wada Hadal La Gashay Xisbiyada Mucaaradka

0
295

Waxaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Hargeyso ee Xarunta Soomaaliland wadahadallo u dhaxeeya asxaabta mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah.

Kulankan ayaa waxaa furay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, wuxuuna hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay inuu ku kalsoon yahay in hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafadka ay ku heshiin doonaan wax Somaliland dan u ah, laguna soo af-jarayo khilaafka taagan.

Wadahadalladan Waxaa dhinaca Xisbiga Talada haya Hoggaaminaya Guddoomiye xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, dhinaca xisbiyada mucaaradka ahna waxaa hoggaaminaya labada guddoomiye, C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Shirkan ayaa daba-socda baaq uu madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo kaga dalbaday xisbiyada mucaaradka ah in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo xalliyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22-ka bilood ah ee ay Golaha guurtidu xilliga ugu kordhiyeen xukuumaddiisa.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa kulankii maanta mar kale ka sheegay in doorashadu qabsoonto 01-da Juun, 2016-ka; oo ah Xilligii guddiga doorashooyinku qabteen, waxayna sheegeen in aysan aqoonsanayn muddo kordhinta ay sameeyeen golaha guurtida Somaliland, kuwaasoo xilliga doorashada ka dhigay bisha Maarso 2017-ka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi ayaa Warbaahinta u sheegay inay iyaga iyo xisbiyada mucaaradku ay isku Waafaqeen dhamaan ajandayaasha shirka looga hadlayo. Isagoo intaa ku daray in shirku uu maanta bilowday, looga hadli doono sidii xal looga gaari lahaa khilaaryada soo laalaabtay.

Shirka ayaa lagu wadaa in la isugu soo laabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, iyadoo xisbiyadu ay kasoo tashan doonaan ajandayaasha shirka oo loo qaybiyay maanta oo Arbaco ah.

Shirka ayaa yimid xili Dhawaan xisbiyada mucaaradka ah ay y gaashaanka ugu dhuftay inay aqbalaan muddo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtida, iyagoo sheegay inay shir kale qaban doonaan haddii aan muddo kordhintaas dib looga laaban.

Soomaaliland.1jpg Soomaaliland