{DAAWO SAWIRADA} Tartanka kubada cagta Ee lagu Taageeraayo Shirka Dib Uheshiisiinta Gobolka Hiiraan Oo si Habsami Leh Usacdo B.weyne

0
441

Tartanka kubada cagta ee ka socdo magalada baladweyne ee Gobolka hiiraan islamarkana lagu Taageeraayo shirka dib u heshiisiinta iyo aayo katalinta Gobolka ayaa Manta Lacayaray lugtii 2 aad ee tartanka waxana manta kulamay xafadaha kooshin A buudoweyn B

Labada koox Ee Tartamayay ayaa so bandhigay ciyaar wanaagsan oo ay la dhaceen dadkii daawanayay ciyaartaas waxaa ay gaartay in taageerayaasha ay buuqaan xamasada ay laheed ciyaarta

Kulankan oo ahaa midkii labaad ayaa waxaa iskaga horyimid naadiyada kala matalaayo xafadaha Kooshin A iyo Buundaweyn B waxana ay ciyaarta ku so Dhamatay 4-4 oo ah Bar Baro hayeeshee gudiga Ciyaraha Baladweyne ayaa Sameyay Gool ku laadyo waxana ay Ku so dhamatay 4 iyo 2 oo ay guusha ku raacaday buundo weyn B

Tartankan ayaa Ah mid siweyn logu taageeraayo shirka dib u heshiisiinta iyo aayo katalinta gobolka hiiraan waxana uu noqday mid ay siweyn ugu riyaqaan dhalin yarada  iyo Qeybaha Bulshada  kunool Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ku dhaqan baladweyne

TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (1) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (2) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (3) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (4) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (5) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (6) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (7) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (8) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (9) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (10) TARTANKA KUBADA CAGTA B,WEYNE  (11)