{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Caafimaad Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabatay Kadib Markii….

0
286

Wasiirka Wasaarada Caafimadka Xukuumada Soomaaliya  Dr.Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho ka dib markii ay ka soo laabatay safar shaqo oo ay ku tagtay dalalka Masar, China iyo Swizerland. Wasiirada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiir  ku xigeenka caafimadka Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradu ay ka koobantahay iyo Xubno Kale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka ee Xukuumadda Soomaaliya oo qeybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde saxaafada kula hadashay ayaa ka warbixisay safarkii ay ku tagtay dalalkaasi,iyadoona wasiiradda sheegtay in waxyaabo badan ay u soo qabsoomeen

Wasiirka ayaa sheegtay in shirki ay kaga qeyb gashay dalka Masar oo ay isku yimadeen Wasiirada caafimaadka Jaamacada carab in la isku af gartay in shir weyn la qabto oo si gooni ah looga hadlaayo taageerida iyo dib u dhiska caafimaadka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiiradda ayaa sheegtay in ay ka wada hadleen in sanadaha soo socdo ay wasaaradda caafimaadka ee dalka China ay gacan ka geysato taakuleynta adeegyadda caafimaadka . Wasiiradda Caafimadka Soomaaliya ayaa intii ay ku sugneyd dalalka Masar iyo China waxa ay kulamo la qaadatay mas’uuliyiinta wasaaradda Caaafimaadka ee dalalkaasi iyadoona kala soo hadashay arrimo la xiriira horumarinta adeegyadda caafimaadka ee dalka soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada caafimaadka ayaa tilmaantay shirkii ay kaga qeyb gashay dalka Swizerland-Genvea oo shirki 68 ee Ururka caafimaadka Aduunka, waxayna sheegtey in la isla soo qaday laguna heshiiyey in Soomaaliya si gooni ah looga caawiyo ladagaalanka cudurada faafa oo dhibaatoyin badan ku haaya hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka.1jpg Wasiirka Caafimaadka.2jpg Wasiirka Caafimaadka