{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Gaaray Jiida Hore Ee Ciidamada Maamulka Jubaland

0
406

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba ayaa maanta Kormeer ku tagay jiidda hore ee fariisimaha ay degen yihiin ciidamada Somalia iyo AMISOM ee ka howlgala Jubbooyinka, gaar ahan deegaanka Buulo-guduud oo magaalada Kismaayo u jirta 30-km, wuxuuna kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Jen. Diini ayaa indho-indhayn ku sameeyay xarun ay degen yihiin ciidamadu oo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo, wuxuuna hambalyeeyey ciidamada ku sugan aaggaas ay kasoo hoyeen dagaallada.

Sidoo kale, wasiirka difaaca ayaa geesta kale booqasho ku tagey fariisimo ay deggen yihiin ciidamada deegaanka Buulo-guduud oo ka mid ah goobaha ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

“Waxaan arkayaa ciidammo diyaar u ah difaaca dalkooda hooyo, kana go’an tahay inay ka xoreeyaan dalka cadowga kusoo duulay, maanta waxaan halkaan u joognaa dhamaanteen gudahasha mas’uuliyada ina saaran ee ah difaaca dalka, waxaana ku weynay difaacan dhallinyaro iyo dad nagu qaali ahaa, mar walba oo dagaal lagu jira tani oo kale waa dhacaysaa, balse isku duubni iyo wadaninimo ayaa looga gudbi karaa,” ayuu yiri wasiirka difaaca Somalia.

Wasiirka waxa uu ugu dambeyn hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha ciidamadda xoogga dalka, iyadoo la marayo nidaam ku dhisan cadaalad iyo sinaan, isla markaana ka hufan oo eex la’aan ah.

Safarka Wasiirka.1jpg Safarka Wasiirka.2jpg Safarka Wasiirka.3jpg  Safarka Wasiirka.6jpg Safarka Wasiirka.7jpg Safarka Wasiirka.8jpg Safarka Wasiirka.9jpg Safarka Wasiirka.10jpg Safarka Wasiirka