{DAAWO SAWIRADA} Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Boqday Isbitaalka B/weyne

1
404

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Maalmahaan Boqosha ku jogay Magaalada B/weyne iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka hiiraan Kan Degmada B/weyne ayaa maanta Kormer ku tagay Isbitaalka Guud ee Degmada B/weyne.

Mas’uuliyiinta ayaa Kormeray dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Cisbitaalka Magaalada B/weyne sida bukaan jiifka Saalada khaliinka keydka daawada iyo qeybaha kale ee uu ka koban yahay Isbitaalka waxana ku jira xiligan Bukaano kala duwan oo adegya caafimaad usoo dontay Isbitaalka.

Intaasi kadib Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka ayaa kulan la qaatay Maamulka isbitaalka waxana xaalada isbitaalka kaga warbixiyay Agaasimaha Guud ee isbitaalka axmed maxamed qalif isagoo shegay in isbitaalku uu soo maray Marxalada kala duwan haatana uu qarka u saran yahay inuu xirmo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada barlamaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa shegay iney wax aka qaban doonaan dhibaatada isbitaalka b/weyne.

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo fadaraalka ahna xildhibaan katirsan Baarlamaanka soomaaliya C/laahi goodax bare ayaa shegay in wasaarda Caafimaadka ee xukuumada soomaaliya ay kala hadlayaan dhibaatada ka jirta isbitaalka si loosoo gaarsiiyo wax yaabaha uu ubaahan yahay Isbitaalka.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka ahna Gudoomiye Kuxigenka Gobolka ee Arimaha bulshada Shekh xuseen cismaan Cali oo ugu dambeyn ka hadlay ayaa sheegay inuu kaga mahad celinayo Xildhibaanada boqashada ay ku tagen Isbitaalka Guud ee Degmada B/weyne oo ah isbitaalka ugu weyn Gobolada Dhexe Waxana uu ku booriyay xukuumada soomaaliya iney wax ka qabato isbitaalka B/weyne.

Booqoshada Xildhibaada ka tirsan Baarlamaanka saomaaliya iyo Mas’uuliyinta Maamulka Gobolka hiiraan kan degmada B/weyne ay ku tagen isbitaalka b/weyne ayaa ku soo aaday xili isbitaalka ay ku jiraan bukaan aad u farabadan oo ka kala yimid degaanada gobolka hiiraan iyo Gobolada Dariska la ah Gobolka Mana jirto Hay’ad gacanta ku hayso isbitaalka oo wax ka badashay dhibaatada ka jirta Isbitaalka B/weyne.

???????????????????????????????

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade Maxamed Cabdi {Saney}

 

Comments are closed.