{DAAWO SAWIRADDA} Champions Leaque: Barcelona Oo Camp Nou Ku Dardartay Bayern Munich.

0
560

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku dubatay kooxda Bayern Munich oo marti ugu ahady kulan ka tirsanaa afar dhamaadka Champions Leaqueg-a. Barcelona ayaa guushan dahabiga ah ku gaadhay 3:0.Lionel Messi ayaa indhaha caalamka xaday wuxuuna kooxda Bayern Munich ka dhaliyay laba gool oo ay saddex daqiiqo oo kaliyi u dhaxaysay. Neymar oo fursado badan kulankan iska lumiyay ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka saddexaad Bayern Munich dhulka ku jiiday.

Barcelona ayaa  tan iyo xili ciyaareedkii 2002/3 gaadhay guul 9 kulan ah oo xidhiidh ah kuwaas oo ay xili ciyareedkan ka gadhay Champions Leaque-ga. Barcelona ayaa kulanka Allianz Arena iman doonta iyada oo ah kooxda faa’idada ugu wayn haysata, waxaana Bayern laga doonaaa inay marka hore shabaqeeda ka ilaaliso wax gool ah iyada oo waliba ku soo bixi karta wax ka badan 3:0. Guardiola ayaa saaxiibkii Enrique iyo kooxdiisii hore ee Barcelona dhibaato kala soo kulmay.

Barcelona ayaa  kulan xiiso badan oo si wayn loo sugaayay Camp Nou ku soo dhawaynaysay kooxda Bayern Munich, kulan ayaa ka tirsanaa afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Barcelona iyo Bayern Munich ayaa maanka ku hayay sidii ay ugu sii dhawaan lahaayeen u soo bixitaanka finalka Champions Leaque-ga xili ciyaareedkan 2014/15.Barcelona iyo Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha loo saadalin karo marka ay midkooxd soo gaadho finalka Champions Leaque-ga.

Waxaa markii ugu horaysay isaga oo koox kale wata Camp Nou ku soo laabtay tababarihii iyo ciyaartoygii hore ee Barcelona ee Pep Guardiola, kaas oo si qiiroleh ay jamaahiirta Barcelona u soo dhawaysay. Barcelona iyo Bayern Munich ayaa maanka ku hayay muhiimada uu leeyahay kulankani, waxayna dadaal ugu jireen inay natiijo fiican ka helaan.

Lionel Messi ayuu kulankani u ahaa kulankiisii 100 aad ee uu  Barcelona u safto tartamada Yurub, wuxuuna Messi  hore tartamada Yurub Barcelona uga soo ciyaaray 99 kulan kuwaas oo uu ku dhaliyay 76 gool, halka uu Champions Leaque-ga  kulanka Camp Nou u ahaa kulankiisii 97 aad. Messi ayaa Barcelona kula guulaystay saddex koob oo Champions Leaque-ga ah iyo waliba laba kooxoodb oo EUfA Supper Cupka ah.

Robert Lewandowski oo uu shaki ku jiray inuu kulankan ciyaari karo ayaa taam unoqday kulankan inkasta oo uu wajiga maaskar ku xidhnaa.Laakiin xidiga ree Poland ayaa dadaalkiisa kaga dhabeyay wuxuuna ugu danbayn suurtogaliyay dadaal badan oo uu ku jiray muddo kooban.Luis Enrique ayaa shaxdiisa 11 kan ciyaartoy ku bilaabay

Kulanka ayaa xamaasad aan caadi ahayn ku bilawday iyada oo Barcelona markiiba bilawday, waxayna ciyaarta markiiba ka abuurtay fursado xidhiidh ah halka ay Bayern Munich daqiiqadii ku bilaabatay inay iska ilaaliso fursaha Barcelona kaga imanayay.ciyaarta ayaa noqotay mid daqiiqad kasta gool laga filan karo.

Daqiiqdii 12 aad ayuu Luis Suarez helay fursad dahabi ah isaga oo kubbad hal ka hal ah ugula soo baxay Neuer laakiin goolhaye Neuer ayaa muujiyay tayadiisa iyo inuu yahay goolhayaha hadda aduunka ugu fiican, wuxuuna Suarez ka badbaadiyay kubbad aan la rumaysan karin isla markaana gool loo fishay.

Barcelona ayaa markale heshay fursad kale oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi gaadhay, waxaana markan fursaad ka faa’iidayn waayay Neymar. Suarez ayaa si cajiib ah kubbad uga soo shaqeeyay, wuxuuna kubbada soo dhex dhigay xerada ganaaxa Bayern laakiin difaaca Bayern ayaa markale isa badbaadiyay fursadan oo halis badnayd.

Kadib markii ay muddo 20 daqiiqo ku dhaw ay Barcelona helaysay fursado isdaba joog ah ayay Bayern Munich daqiiiqadii 18 aad heshay fursada ugu halista badnayd ee ay goolka furitaanka kula iman gaadhay. Muller ayaa kubbad halis ah soo hormariyay goolka Barcelona, waxaana kubbada xerada ganaaxa Barca ku sugayay Lewandowski kaas oo iska lumiyay fursad aan la qiyaasi karin halisteeda.Lewandowski ayaa u furnaa goolka oo aanu wax difaac ahi ka xigin laakiin kubbada ayaa si sahlan iskaga dhaaftay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid aan la saadaalin karib balse daqiiqad kasta labada kooxoodba gool laga filan karo inkasta oo ay Barcelona fursadaha ugu badan lahayd. Guardiola ayaa u muuqday inuu ciyaartoydiisa ku soo dardaraay inay si fiican u difaacdaan isla markaana ay weerar deg deg ah oo baalaha ah qaadaan marka ay kubbada helaan.

Barcelona ayay fursaha ugu fiican heleen Suarez, Neymar iyo Messi halka ay Bayern Munich inta badan kubbada ku luminaysay marka ay soo gaadho xerada ganaaxa Barcelona. Pique iyo Mashcerano ayaa la dhibtoonayay Muller iyo  Lewandowski  inkasta oo ay ku guulaysteen inay fursado badan u diidaan.  Bayern Munich ayaa qaybta hore ee ciyaarta ku guuldaraysatay inay hal bartilmaameed oo goolka Barcelona ah ay samayso halka ay Barcelona heshay afar bartilmaameed oo ay goolal ku dhashan gaadhay. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu sii noqotay mid sidii qaybtii hore ka adag isla markaana ay labada kooxoodba taxadar dheeraad ah muujinayeen.Waxayna labada kooxoodba qaybta danbe ku bilawdeen iyaga oo fursado fiican abuuraya.

Daqiiqadii 60 aad ayuu Neymar soo jabiyay offside ka wuxuuna kubbada kula soo baxaty Neuer laakiin markale ayuu goolhaye Manuel Neuer si deg deg ah u soo baxay wuxuuna kubbada oo Neymar ka soo dheeraatay ka hortuuray. fursadan ayaa markale ahayd mid halis ah.Dhibaatada ugu wayn ee Barcelona haysatay ayaa ahayd Neuer oo dadaalkooda oo dhan beeniyay.

Iyada oo ciyaartu umuuqata inay tahay mid laysku mari laayahay ayuu daqiiqadii 77 aad ayuu Lionel Messi inadhaha xaday kadib markii uu gool qurux badan oo ganaal ah ka dhaliyay Manuel Neuer oo hore balan ugu qaaday inuu Messi tusi doono waxa uu yahay. Ciyaarta ayaa noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka ku qabatay.

Kubbad ay Messi iyo Daniel Alves ka soo wada ciyareen dhinaca midig ayuu Messi si bilaa naxariis ah kubbad ugu darbeeyay goolka Bayern Munich, waxayna kubbadu shabaqa ka gashay halkii uu bartilmaameedsaday.Waxaana halkaas ku burburtay hanjabaadii uu Manuel Neuer u jeediyay Messi kulankan ka hor.

Goolkan ayaa ahaa gookii 76 aad ee uu Messi ka dhaliyo Champions Leaque-ga wuxuuna markale la goolal noqday Ronlado oo xalay dhaafay. Sidoo kale goolkan ayaa ahaa goolkii 9 aad ee uu Messi xili ciyaareedkan ka dhaliyo Champions leaque-ga waxayna markale goolasha xili ciyaareedkan wadaagaan Ronaldo.Goolkan Messi ayaa gilgilay garoonka Camp Nou kaas oo uu gariir layaablihi ka yeedhay markii uu goolka shabaqa ku hubsaday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Barcelona ku dubatay kooxda martida u ahayd ee Bayern Munich, waxayna Barcelona muujisay inay tahay koox xili ciyaareedkan dhinaca kasta ka dhisan iyada oo weerarka Bayern Munich udiiday inay wax gool ah kudhaliyaan Camp Nou. Blaugrana ayaa ka aarsatay kooxda uu watay macalin koodii hore ee Bayern Munich.

2  4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 b1