{DAAWO SAWIRADDA} Wafdi Uu Hogaminayay Madaxweynaha Mamuulka Puntland Oo Manta Ku Laabtay Magalada Garoowe Ee Casimadda Mamuulka Puntland,

0
225

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ,ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay wadamada Talyaaniga ,isu tagga Imaaraadka Carabta iyo waliba Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacab badan ayaa Madaxwenaha kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

madaxweyne Gaas oo hadlay waxaa uu sheegay in magaalada Nairobi uu kala kulmay safiirada Midowga Yurub, Maraykanka, Holland, Swedan iyo madax ka tirsan Bangiga Adduunka, waxaana Dhamaantood uu Sheegay inuu kala hadlay Arrimo la xiriira Wax-ka-Qabashada dhaqaalaha Puntland.

Ugu dambeyn, imaanashaha madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland ay ku baaqeen shir deg-deg ah oo looga tashanayo xaaladda Puntland ,waxaana Xildhibananadu ay dalbadeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda hadda shaqaynaysa si xal loogu helo arimo ay kamid yihiin amniga iyo dhaqaalaha deganadda mamuulka puntland.

2015516635673606475622911gg2 2015516635673608065652740Camey iyo Gaas 2015516635673609015412104garowe gas 2015516635673610065076014gggggggg 2015516635673611968068699labsho1 2015516635673613198416083gaas