{DAAWO VIDEO} SHIRKA AYAHA REER HIIRAAN OO GUUSHI UGU HOREYSAY GARAY MANTA

0
199

Waxaa maalintii shanaad galay Shirka dib-u-hishiisiinta ah ee ka soconaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaasoo ay ka qayb-galayaan xubno ka kala socda beelaha wadda dega gobolka Hiiraan.

Shirka oo 01-dii bishan si rasmi ah uga furmay magaalada Beledweyne ayaa maanta lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay guddiga farsamada shirka mudadii shanta cisho aheyd.

Nabaddoon Qaalid Cabdi Jimcaalle oo Warbaahinta kula hadlay Madasha shirku ka socdo ayaa sheegay in muddadii uu shirku socday ay beeluhu si furan u wada-hadleen, isagoo ku daray intaas in lagu guuleystay hishiisiinta lix beelood oo ka mid ahaa beelihii shirka kasoo qeyb-galay ay gaareen.

Sidoo kale, nabaddoon Axmed C/dulle Jimcaalle ayaa dhinaciisa sheegay in shirku illaa iyo hadda si wanaagsan u socdo, lagana fillayo sidda uu hadalka u dhigay in ay ka soo baxaan go’aamo wax weyn ka taraya hormarka gobolka.

Shirka oo lagu magacaabay ”Dib-u-hishiisiin iyo Aayo ka talin”, ayaa loo kala qaaday labo waji, waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo gabagabeeyo wajiga hore ee shirka oo ah dib-u-hishiisiin.