Dalka Burundi Oo Wali Kasocdda Dibad Baaxyo Waa Weeyn Oo Looga Soo Hor Jeddo Dowlada Dalkaasi,

0
252

Boqolaal arday ah, ayaa dalka Burundi xalay ku baryay iridka hore ee safaarada Maraykanka kaddib markii jaamacadooda la xiray si looga hortago dibadbaxyo ka dhan dowladda.

Waxay warbahinta u sheegeen in sababta ay u tageen safaaradda ay tahay in aysan caasimada Bujumbura ku heleynin amni.

Baraha bulshada ayaa la xanibay, waxaa la xiray xarumo raadiyayaal, waxaana la mamnuucay dibadbaxyada.

Dadwaynaha, ayaa dibadbaxayay tan iyo maalintii Axadda iyaga oo ka soo horjeeda go’aanka madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku sheegay in uu isku soo sharaxayo mar sadexaad bisha June.

Dowladda, ayaa xirtay jaamacada khamiistii iyadoo ku sababaysay amni daro laga baqayo.

Madaxweyne Nkurunziza

Gelinkii hore ee Khamiistii, ayaa boqolaal arday ah waxay isu-soo-bax ka qaban-qaabiyeen bartamaha Bujumbura.

Waxay doonayeen in ay ka hortagaan in madaxweynuhu uu si rasmi ah ugu gudbiyo guddiga doorashada qorshihiisa dib isu soo sharixidda.

Ardayda ayaa u sheegay warbahinta in safaaradda Marykanka ay tahay meesha keliya in ay u arkaan in ay ku badbaadayaan, waxayna sheegeen in ay ka baqayaan xoogagga ammaanka.

Saraakiisha Maraykanka ee safaaradda ayaan jawaab kama bixin ardayda hor tuban safaaradooda.

Tom Malinowski, oo ah diblumaasi sare oo Maraykan ah, ayaa la kulmay Mr Nkurunziza Khamiistii, wuxuuna markaa kaddib sheegay in uu uga digay xaalada Burundi oo khatar sii gali karta.

Mr Nkurunziza ayaa xilka hayay tan iyo sanadkii 2005-tii, markaas oo aheyd wakhtigii uu dalkaasi si rasmi ah uga dhamaaday dagaalkii sokeeye.

In ka badan 300,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, oo u dhaxeeyay qabiilka laga tirada badan yahay ee Tutsiga oo ku badan ciidamada iyo kooxaha falaagada ah ee Hutu-ga, oo ka mid ah xisbiga Mr Nkurunziza ee CNDD-FDD.