Dalka Cuba Oo u Boqday Madaxweynihii Ugu Horeyay Tan iyo markii uu Dalkaasi Qaatay Xuriyada

0
320

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande  ayaa la kulmay hogaamiyaha dalka Cuba, Raul Castro, intii lku guda jiray booqasho uu ku tagay magaalada Havana waxana uu halkaasi kulan kula qaatay hogaamiyihii hore ee dalkaasi Fidel Castro..

Madaxweynaha dalka Faransiiska, ayaa Mareykanka ku booriyay inuu Cuba ka qaado cunna qabateynta dhaqaalaha ee saaran, wuxuuna Cuba ku taageeray isbedelka ay sameysay.

Mr Hollande waa madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda dalka Cuba, tan iyo markii ay xurriyadeeda heshay, sanadkii 1898-dii.

Faafaahinta ka soo baxday kulklanka dhexmaray madaxweyne Hollande iyo dhigiisa Cuba Raul Castro, ayaa ah inay ka wada hadleen arrinta guud ee warbaahinta rasmiga ah ee dalka Cuba.

Sidoo kale way caddahay iyo labada madaxweyne ay isla eegeen arrimaha laba geesoodka ah eek a dhexeeya, iyagoo si gaar ah u taabtay su’aasha la xiriira diblumaasiyadda caalamka iyo dhaqaalaha Cuba.

Shirkadaha Faransiiska ee ka howlgala dalka Cuba, waxay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maalgashigooda Jasiiraddan, waxayna labada dhinac ka munaaqashoodeen sii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Madaxweyne Hollande ayaa sheegay inuu kala hadlay Mr Castro, caqabadda haysata arrimaha xuquuqul insaanka, balse ma uusan booqanin xarumaha mucaaradka.

Laakiin xaqiiqdii, booqashadan waxa ay farriin u direysaa xukuumadda Washington iyo dalalka kale ee midowga Yurub, ayna u muuqato xiriirka qotada dheer ee faransiiska kala dhexeeyo Cuba.

Faransiiska, ma uusan jarin xiriirkiisa diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyo Cuba, xittaa markii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Waa markii ugu horeysay oo inkabadan 100 sano uu Dalka Cuba Gaaro madaxweyne Faransiis ah iyadoo uu noqonayo Madaxweyihii ugu Horeyay ee Taga Dalkaasi tan iyo markii uu qaatay madaxbanaanida.