DEG DEG: Labo nin oo ka qayb qaatay dilal loo geystay Xildhibaano Dowladda ka tirsanaa oo Muqdisho lagu toogtay

0
235

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, goor dhaw ayaa xukun dil ah lagu fuliyay labo ruux oo ka tirsan Ururka Shabaab, kuwaasi oo ka qayb qaatay dilal loo geystay Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Labada ruux ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Shuceyb Cawil Ibraahin iyo Faarax Cali Cabdi oo horay muuqaalo looga duubay ku qirtay inay ka qayb qaateen dilal loo geystay Xildhibaano.

 

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa raggaan xukuntay, waxaana saaka oo Arbaco ah lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

 

Madasha ay ka dhaceysay toogashada oo ah Iskuul Buluuziyo ayaa waxaa ku sugnaa madaxda Maxkamada ciidamada qalabka sida.

 

Shuceyb ayaa horay uga sheekeeyay inuu qayb ka ahaa mishino lagu dilay Marxuum Xildhibaanad Saado Cali, Marxuum Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer, Marxuum Xildhibaan Xayd iyo xubno kale oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.