Dowlada Kenya Oo Shegtay In Cudurka Daacuunka Uu Ka Dilaacay Dalkaasi

0
264

Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa Sheegtay in Cudurka Daacuunka uu ku dilay Dalkeeda dad Tiradoodu ay Gaareyso illaa 65 Ruux kuwaasoo uu ku asiibay qeybo kala duwan oo ka tirsan deegaanadeeda.

Wasiirka Caafimaadka Kenya James Wainaina Macharia, ayaa sheegay in Daacuunku uu si ba’an u asiibay qeybo kamid ah gobalada Kenya, wuxuuna intaas ku daray in dad tiro badan uu cudurkaas soo ritay.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayuu sheegay Wasiirku iney hada wado dadaalo looga hortagaayo Kalooraha oo la xaqiijiyay inuu ka dilaacay bilihii la soo dhaafay ilaa 10 ismaamul gobaleed oo ka tirsan Kenya. Isla markaasna ay ugu daran yihiin ismaamulada Nakuru oo ka tirsan gobalka Rift Valley iyo magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayaa sidoo kale walaac ka muujisay tirada siibadaneyso ee bukaanada cudurkaas uu soo ridanaayo, waxeyna ugu baaqday shaqaalaha caafimaadka ee maamulkada kala duwan ee Kenya; iney iskugu yimadaan kulan looga arrinsan doono sidii looga hortagi lahaa khatarta cudurkaas oo lagu wado maalinimada bari ah uu ka dhaco magaalada Nairobi.

Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta National Hospital (KHN) ee ku yaallo magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagula tacaalayaa kiisas dad qabo cudurkaas oo laga keenay Xaafada isku raranka ah ee Kibera ee ku taallo magaalada Nairobi.

Qasaaraha cudurkaas iyo sida uu ugu kala badan yahay deeganada Kenya, ayaa warbixin laga soo saaray dhawaan waxaa lagu sheegay in magaalada Nairobi uu cudurkaas ku asiibay dad gaarayo 371, uuna dilay 16 qofka. halka magaalada Mombasa uu 99 qof oga dhacay una ku dilay 5 qof. sidoo kale Magaalooyinka Nakuru, Migori, Homa Bay, Bomet, Muranga, Kirinyaga iyo Kiambu, ayuu dad badan ku soo ritay xanuunkaas.

Cudurka Daacuun Caloolaha oo ka dilaacay Kenya bishii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay, ayaa ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay dad gaaraayo 3,234 (Saddex kun, labo boqol soddon iyo afar qof), isla markaasna uu dilay 65 qof- ilaa iyo hadana ay dad badan u jiifaan xarumaha caafimaadka.