Dowlada Shiinaha Ayaa Saldhig Meleteri Kasameysaneyso Dalka Jabuuti

0
247

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaqiijiyay inuu socdo wada xaajood ku saabsan sidii Shiinaha uu saldhig milateri uga dhigan lahaa Dekeda Istiraatiijiga ah ee Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa wareysi uu siiyay Wakaalada Wararka ee AFP ku sheegay inuu soo dhoweynayo joogitaanka Xukuumadda Beijing.

“Wada hadalo ayaa socda, joogitaanka Beijing ee halkan waxay noqon laheyd mid soo dhoweyn leh”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Tallaabada Shiinaha ee ay saldhig milateri kaga sameysanayaan dalka Jabuuti ayaa loo arkaa mid aan Mareykanka ku farxad gelin doonaan, maadaama labada dal aysan isku wanaagsaneyn, wax badana ku loolama

Mareykanka ayaa waxaa uu xero Milateri ku leeyahay halka lagu magacaabo Camp Lemonnier, halkaasoo saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka Qaaradda Afrika, waxay u adeegsadaan ka hor taga argagixisada iyo weerarada ay ka fuliyaan Yemen, Soomaaliya iyo goobaha kale ee Afrika.

Sidoo kale Faransiiska iyo Japan ayaa waxay saldhig ku leeyihiin Dekeda Jabuuti, waxaana Faransiiska uu Badda Cas iyo Kanaalka Suez ka wadaa howl gal uu kula dagaalamayo burcad badeedka, waxaa kaloo xarun ku leh maraakiibta Midowga Yurub ee ka qeyb qaada la dagaalanka kooxaha burcad badeedka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa yiri “Joogitaanka Faransiiska ee halkan waa mid duqoobay, Mareykanka wuxuu ogaaday booska uu Jabuuti kaga caawin karo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo Japan oo danadooda doonaya inay ka difaacaan burcad badeedka, iyo hadda oo Shiinaha ay sidoo kale doonayaan inay ilaaliyaan danahooda, waana soo dhoweyneynaa”