Dowlada Soomaaliya Oo Laga Dalbaday Iney Ciidama Dheeraad ah Geyso Degaanada Mubarak & Aw-dheegle

0
256

Guddoomiyaha  Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose  Maxamed Aweys Abuukar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u baahan yihiin Ciidamo AMISOM ah in la geeyo Mubarag iyo Aw-dheegle si aysan markale Al-shabaab ula Wareegin degaaadaasi.

Maxamed Aweys Abuukar ayaa Xusay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan Mubarag iyo Aw-dheegle aysan ku finneyn Amaanka Degaanadaas,isagoo intaa raaciyay in Ciidamada AMISOM aysan Daacad ka aheyn Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u soo baneeyay Aw-dheegle iyo Mubaarag oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Shalay ayey aheyd Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay Al-shabaab dib ugala Wareegeen  Aw-dheegle iyo Mubarag oo Shabaabku ay Dagaal ku qabsadeen.