Dowladda Dalka Kenya Oo Sii Kor Dhisay Bandowgii Saarnaa Magaalooyinka Waqooyi Bari Ee Dalkaasi.

0
253

Wasiirka Amniga Kenya Joseph Nkaissery ayaa bil dheeraad ah ku daray bandawgii lagu soo rogay bil ka hor magaalooyinka gobolka waqooyi bari ee dalkaasi kenya.

Mr Joseph Nkaissery ayaa sheegay bandowgan uu xoojinayay bandowgii bishii hore lagu soo rogay magaalooyinka Mandera, Wajeer, Garissa iyo Tana River, iyadoo amniga gobolada waqooyi bari ee dalka kenya lagu adkeynayo.

Bandowgan ayaa waxaa uu dhaqan galayaa marka ay saacada geeska Afrika tahay 6:30pm, ilaa waabariga 6:30am, waxaana la mamnuucay in hubka iyo dadka ay meelaha isugu yimaadaan inta uu bandowgan socdo.

Wasaaradda Amniga Kenya ayaa sheegtay in bandowgan ujeedkiisa yahay in la soo celiyo amniga, lagana hortago weerarada Al-Shabaab ka geystaan Gudaha Kenya.

Bandawgan lagu soo rogay Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sabab u ahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Jaamacadda Garissa, halkaasoo lagu dilay ilaa 150 ruux oo u badnaa ardayda Jaamacadda.

Bishii hore ayay aheyd markii dowladda Kenya ay xaalad deg deg ah ku soo rogtay magaalooyinka gobolka waqooyi bari, isla markaana bandaw saartay.