Feeryanka Mareykanka Mayweather oo ka Adkaaday Pacquiao {DAAWO SAWIRADA}

0
262

Xalay xilli dambe ayaa magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka waxa uu feerka qarniga feerkii ugu qaalisanaa ebid uu ku dhex maray wiilasha aan kala dhicin ee Floyd Mayweather iyo Manny Pacquiao oo ka soo jeeda Filipino.

Feerkan oo xiiso badnaa si wayna loo buun-buuniyay ayaan u dhicin sidii la filayay oo labada feeryahan midkood dhulka dhinac looma dhigin oo waxa ay wada dhameysteen 12-ka wareeg waxaana farqiga dhibcaha ku adkaaday wiilka reer Mareykan ee Floyd Mayweather.

Saddexda garsoore ayaa dhibcaha ugu badan siiyay Floyd Mayweather oo sidaa guul ku gaaray feerkii qarniga ee xalay 118-110, 116-112, 116-112, waxayna guushiisa ka dhignayd 48-jeer oo aan marna laga adkaan.

Hayeeshee 36-jirka Pacquiao ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa: “Waxaan mooday inaan ku guuleystay feerka, waxaan garaacay in kabadan intii uu aniga I garaacay, waan dhaawacay in kabadan intii uu I dhaawacay.”.

Pacquiao ayaa dhaawac garabka ah uu qabay ku sheegay inay sabab u ahayd bandhigiisii liitay ee xalay loogana adkaaday feerkii qarniga ee ku kacayay adduunka dhan 350-ka milyan oo euro.

“Saddex usbuuc ka hor feerka, waxaan joojiyay tababarka waxaana aaday raajato (Scan).” Ayuu yiri Pacquiao oo intaa raaciyay: “Waxaa jira dilaac garabkeyga midig.”.

“Wareegii saddexaad waxaan dareemay xanuun garabka ah.”.

“Guul darada ima dhibeyso maxaa yeelay dagaal fiican ayaan dagaalamay, wixii karaankeyga ahaana waan sameeyay.”.

“Xitaa iyadoo ay jirtay inaan dhaawac ka qabay garabka kuma cabaneyn riingaha gudihiisa, waa qeyb ka mid ah ciyaarta.”.

DAAWO SAWIRRADA FEERKII QARNIGA:

22 23 25

28 29 30 31 33 34 37

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 16 17 18 19 20 21 32 35 36 38 39 40