Guardiola Oo Ka Hadlay Guuldaradii Xalayto Soo Gaartay: Ciyaarta Waan Koontaroolnay Laakiin Leo Messi Ayaa Mucjisadiisa Soo Bandhigay.

0
226

Qaab ciyaareedka Lionel Messi ayaa ahaa kala duwanaanshaha u dhaxeeyay Barcelona iyo Bayern Munich iyadoo kooxda Jarmalka ay guuldarro 3-0 ay soo gaartay xalayto sida uu sheegay Pep Guardiola.

Xiddiga reer Argentina oo qabsaday dunida kubada cagta markii Guardiola uu macalin ka ahaa Barcelona ayaa seefta mariyay xalayto kooxda Bavaria isagoo labo gool ka dhaliyay ciyaartii Camp Nou.

Neymar ayaana dhaawacii Bayern cusbo sii mariyay isagoo waqtigii dhimashada goolka seddexaad ka dhaliyay waxaana ay ka aarsadeen Bayern oo guul sidaan la mid ah Camp Nou ku gaartay 2013kii, taasoo haatan ka dhigeysa in kooxda boqorada Bundesliga inay hortaalo shaqo weyn kulanka lugta labaad.

“Bayern muddo dheer ayay shaqo fiican heysay” ayuu Guardiola oo kooxdiisa xadiday kubad heysashada Barca u sheegay suxufiyiinta.

“Laakiin ka dib Messi ayaa soo bandhigay mucjisadiisa. Barcelona isaga kaligiis ma ahanse, waa koox xoogan oo ay joogaan xiddigo kale oo waa weyn sida Luis Suarez iyo Neymar.

“Barca aad ayay u fiican yihiin oo boos banaan waa ay heli karaan mar walba oo ay doonayaan. Waana tayada kooxdooda waxa keenay guuldaradeena, inaan ku ciyaarno Camp Nou waa ay adag tahay.

“Si kastaba, waxaan qabaa inaan koontaroolnay ciyaarta ilaa iyo goolkii ugu horeysay ee Barca. Koontaroolkeena waa uu dhumay goolkaas ka dib, laakiin ma kuma dhaleeceynayo ciyaartoydeyda. Kooxda xaalada adag oo badan ayay soo martay xilli ciyaareedkan.”