Hay’ada DRC oo ka Digtay Dib U celinta Qoxootiga Somalida ee Dhadhaab ku jira

0
241

Hay’adda Gargaarka Denmark ee DRC ayaa uga digtay maanta xukuumadda Kenya iyo hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR in Qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool oo tiradoodu ay gaarayso 350,000 oo qof si wadar ah dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo xustay in qoxootiga loo oglaado inay si iskood ah dib ugu laabtaan dalkooda.

DRC ayaa warbixin ay soo saartay maanta ku sheegtay in la hubiyo amaanka deegaannada Al-shabaab laga saaray, iyadoo intaas ku dartay in inta badan Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab-Kenya ay ka yimaadeen Bartamaha iyo Koonfurta Somalia, halkaasoo ay weli colaado ka jiraan.

“Waa in laga fogaadaa in Qoxootiga ku nool Dhadhaab gabi ahaantood dalka Somalia dib loogu celiyo. Waayo waa inaan laga sii darin xaaladda dhanka bani’aadamnimada ah oo mid xun ahayd markii horeba. Waxaana ku Talinaynaa in Howsha Dib u celinta Qoxootiga ay noqoto sidii horay loogu heshiiyay,” ayuu hadal uu jeediyay ku yiri xiriiriyaha hay’adda DRC, Gemma Davies.

Xiriiriyaha DRC ayaa intaas ku daray in warbixin ay soo saartay UNHCR ay ku sheegtay in madaxa hay’adooda, Antonio Guteres uu booqasho saddex maalmood ah ku imaan doono Kenya si loo dar-dar-geliyo sidii dib loogu celin lahaa Qoxootiga Soomaaliyeed ee dhadhaab ku jira.

“Ololayaasha socda waxay wiiqi karaan in Qoxootiga Somalia dib loogu celinayo loo helo ammaan iyo xal ay deegeaannadoodii ugu noqdaan,” ayuu mar kale yiri Davies.

Kenya ayaa rumeysan in xeryaha Dhadhaab ay Al-shabaab u adeegsato inay kasoo qaaddo weerarrada ay kusoo qaadayso gudaha Kenya oo uu ka mid ahaa Weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo dhacay horraantii bishii Abriil ee lasoo dhaafay, halkaasoo lagu dilay 48-qof oo u badan ardaydii Jaamacada.

Davies ayaa weydiistay xukuumadda Kenya inay amnigeeda ku sugto iyadoo xoojinaysa siyaasadeeda bulshada iyo midda sirdoonka, lana geeyo xuduudaha ciidammo badan si ay uga hortagaan kuwa weerarrada Kenya ku soo qaadaya.

“Innaga waxaa naga go’an inaan taageero u raadinno Qoxootiga Dhadhaab ku jira. Sidoo kalena aan kala shaqeyno dowladaha, hay’adaha caawinaada siiya qoxootiga, sidiii looga dhabeyn lahaa ujeeddooyinka lagu doonayo inay Qoxootiga ku laabanaya dalkooda helaan goobo ammaan ah oo ay degaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Davies.

Hadalka mas’uulkan u hadlay hay’adda DRC ayaa imaanaya xilli 2013-kii ay ku heshiiyeen Somalia, Kenya iyo hay’adda UNHCR in Qoxootiga Dhadhaab ku nool loo ogolaado inay si iskood ah dib ugu laabtaan dalkooda, laakiinse aan si khasab looga celin dalkooda.

Ugu dambeyn, Xeryaha Dhadhaab-Kenya oo ah kuwa ugu waaweyn Caalamka ayaa markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 1991-kii markaasoo ay Somalia colaado ka dilaaceen, tan iyo xilligaasna waxaa ku noolaa Qoxooti Soomaaliyeed.

DRC_In_Dadaab_Kenya