Ra’iisul Wasaare David Cameron oo Ka Hadlay Guusha uu ka Garay Doorashadii Ka Dhcady Dalka Ingiriiska

0
262

Xisbiga Conservative ee Dalka Uk ayaa ku guuleystay aqlabiyada doorashada guud ee ka dhacday dalka UK, taasoo ka dhigtay in Xisbigu uu helo kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka UK, iyadoo tani meesha ka saartay shakigii laga qabay in Ra’iisul Wasaare Cameron aanu dib u soo laaban doonin.

Ra’iisul Wasaare David Cameron oo hadlayay kadib guushii Xisbigiisa ka gaaray doorashada ayaa sheegay inuu hogaamin doono hal dal oo Britain ah, kadib guul layaab ah oo uu xisbigiisa ka soo hoyay doorashadii UK.

R/Cameron ayaa markii la ogaaday natiijada horu dhaca ee doorashada UK ayaa isaga iyo xaaskiisa ay dib ugu laabteen Xafiiska NO 10, halkaasoo wariyeyaasha uu kula hadlay

Mr David Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, David Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.

Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

Doorashadan ayaa noqotay tii ugu adkeyd, isla markaana taariikhda gelisay is bedelo lama filaan ah, waxaana dad badan ay qiyaasayaan in guusha Mr Cameron ay tahay mid kalsooni badan gelin karta sidii dowladd cusub u soo dhisi lahaa