John Kerry oo Booqasho ku Tagay Kenya Kulamana la yeelan doona Mas’uuliyiinta Dalkaas

0
223

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa maanta soo gaaray dalka Kenya, isagoo madaxda Kenya kala hadli doona arrimo la xiriira ammaanka, iyadoo booqashadan ay kusoo beegmayso iyadoo la filayo in bartamaha sannadkan uu booqsho ku tago Kenya madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama oo aabihii uu kasoo jeedo Kenya.

John Kerry iyo wafdigiisa ayaa noqonaya kuwii ugu heerka sarreeyay oo Mareykan ah oo booqasho ku taga Kenya tan iyo Sannadkii 2012-kii. Wuxuuna Kerry sheegay inay Kenya kala shaqeyn doonaan ka hortagga weerarrada kooxaha argagaxisada ah ay ku soo qaadaan Kenya.

“Waxaa Kenya naga dhexeeya xiriir muddo ka badan 50-sano soo jiray; haddana waxaan doonaynaa inaan sii xoojinno xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee nagala dhexeeya Kenyaanka, kaasoo aan dhamaad lahayn. Sidaa awgeed safarkeygan ma ahan mid lagu bedelayo xiriirkaas,” ayuu yiri John Kerry.

Isagoo intaas ku daray. “Booqashadan waa mid aan ku xoojinayno xiriirkii mudadaas dheer soo jiray ee aan Kenya la leennahay. Sidoo kale waa mid aan ku diyaarinayno booqashada uu Obama ku imaan doono halkaan Bisha July ee sannadkan dhammaadkeeda.”

Diyaaraddii waday Kerry ayaa soo cago-dhigatay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta 3:00 galabnimo ee maanta oo Axad ah, in yar ka hor markii ay dalka Kenya kusoo laabatay wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed Jabriil si ay u soo dhaweyso Kerry.

Amaanka magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayay ciidammo fara badan garoonka diyaaradaha Nairobi iyo wadooyinka waaweyn, si aysan weerarro u dhicin inta lagu soo dhaweynta wafdiga Mareykanka ah.

Isniinta berri ah ayaa lagu wadaa in Kerry uu booqdo safaarada Mareykanku uu Nairobi ku leeyahay, taasoo qarax lagu burburiyay sannadkii 1988-kii, isagoo sidoo kalena isla berri kulan la qaadanaya madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyadoo kulanka diiradda lagu saari doono amniga Kenya.

“Shacabka Kenya waxay sameeyeen horumarro wanaagsan marka la eego dagaalka lagula dagaalamayo argagaxisada. Dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ee Kenyana waa mid aad u sarreeya,” ayuu yiri John Kerry, oo intaas ku daray. “Kenya waxay dhibaato badan kasoo gaartay weerarradii is-daba-joogga ahaa ee argagaxisada ay kusoo qaadeen. Markaan eego Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148-qof wuxuu ahaa ay Al-shabaab ku dishay dad aan waxba galabsan. Waxaana naga go’an inaan Kenya ka taageerno dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.”

Ugu dambeyn, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa kulan la qaadan doona hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ODM, Raila Odinga, wuxuuna kulankaas kaddib qaban doonaa shir jaraa’id oo uu safarkiisa kaga hadli doono, isagoo uga gudbi doona Kenya dalka Jabuuti.

John_Kerry_oo_Booqanaya_Kenya