Kulan Looga Hadlayay Sidii Wax Loogu Qaban Lahaa Qaxootiga Dalka Yemen Oo Laguqabtay Muqisho

0
211

Kulankaan oo ay soo qaban qabisay Jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya ku nool ayaa waxa looga arrinsanayey sida gar gaar loogu fidin karo dadka reer Yemen ee usoo qaxey gudahha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galey xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, guddiga badbaadinta Qaxootiga Yemen ka imaanaya iyo mas’uuliyiin ka socotay gobolka Banaadir.

Godoomiyaha Jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya  Xuseen Saalim Axmed ayaa bogaadiyey doorka ay ka qadanayaan dadka Soomaaliyed iyo dowladdooduba u gar garida Qaxootiga Yemen ee Soomaaliya soo gaaray.

Shariifo Macow oo xubin ka ah guddiga badbaadinta Qaxootiga Yemen ka soo cararaya ayaa shegtay in dadka Soomaaliyeed looga bahanyahey iney dhexda u xirtaan sidii dadka walalahood reer Yemen u soo dhaweyn lahaayeen.

Xildhibaan Dayfullaahi ayaa u mahad celiyay dowladda Soomaaliya, maamullada Puntland iyo Soomaaliland iyo dowladda Jabuuti oo walaalnimo u muujiyay, isla markaana soo dhaweeyay dadka Soomaalida iyo Yemeniyiinta ah ee ka soo cararay colaadda ka taagan dalka Yemen.

Wasiiru dow-laha Wasaradda Warfafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Beekoos  ayaa ugu danbeyn goobta ka hadlay waxa uuna ka sheegay doorka Xukuumadda Soomaaliya ka qadaneyso soo dhaweynta Walalahooda Yemen ka yimid, ee isaga soo cararay colaadda halkaasi ka taagan.