Kulan Looga Hadlayo Amaanka Deganada Puntland Oo ka Dhacay Garowe.

0
331

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa  ka Furmaya Shir looga hadlayo Amaanka Degaanada Maamulka Puntland,kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Puntland.

Shirka oo Socon doona Mudo Labo Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Amniga,waxaana sidoo kale Xoogga lagu saari doonaa wax ka qabashada Amaanka Puntland.

Saraakiisha Amaanka Puntland ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan Amniga Degaanada Maamulka Puntland.

Degaanada Puntland ayaa waxaa ka dhaca Weeraro Qorsheysan oo ay Mas’uuliyadiisa ay sheegtaan Xarakada Al-shabaab.