MADAXWEEYNAHA SOOMAALIYA XASAN SHIIKH OO XARIGA KAJARAY XERO LAGU TABABARAYO CIIDANKA X.D.S

0
273

Madax weynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xerada tababarka ciidanka X.D.S ee Xero-Agoon, halkaas oo ay dayactir ku sameysay dowladda Imaaraadka Carabta.

Xeradan oo si wanaagsan loo dayactiray waxaa maanta tababar loogu soo xiray askar ka tirsan ciidanka X.D.S kuwaas oo muddo lix bil ah tababar ku qaadanayay.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka caawinayso Soomaaliya dib u dhiska, ayadoo mashaariic horumarineed ka wadda gobollada dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka caawinayaan ammaanka iyo dib u dhiska ciidammada.

Madax weynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siinayso dadka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ka taageeraan arrimaha ammaanka, bani’aadamnimada iyo dib-dhiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in xeradan oo ku dheggan Isbitaalka Xoogga Dalka looga faa’iideysan doono tababarka iyo tayaynta ciidanka X.D.S