Madaxweynaha Burundi’Waxa Ka Hortageynaa Werarada Al.Shabaab ay Donayaan

0
279

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa markii ugu horreysay warbaahinta kula hadlay magaalada Bujumbura maanta oo Axad ah, kaddib afgambigii dhicisoobay ee Toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Burundi. isagoo ka hadlay khataraha Al-shabaab.

Nkurunziza ayaa Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Al-shabaab ay ku goodisay inay Burundi soo weerarayso, balse ma soo hadal-qaadin af-gambigii guul-darreystay ee la doonayay in xukunka looga tuuro iyo dagaalladii Khamiistii ka dhacay Bujumbura.

“Al-shabaabta Somalia waxay qorsheynaysaa inay soo weerarto dalkeenna, mana dhayalsan doonno hanjabaadda Al-shabaab,” ayuu Pierre Nkurunziza, oo intaas raaciyay inay dagaal adag kula jiraan Al-shabaab.

Mucaaradka Burundi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu jabinaya dastuurka u yaalla dalkaas, iyagoo sheegay in dastuurku uu ogol yahay oo keliya in madaxweynuhu uu xilka madaxnimo isku taagi karo laba jeer oo keliya.

Xeer-ilaalinta Burundi ayaa Sabtidii shalay kusoo oogtay 17-qof oo la sheegay inay ku lug lahaayeen in-qilaabkii Arbacadii dhacay, Waxaana eedeysanayaashan ka mid ah Wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo laba sarkaal oo ka tirsan taliyeyaasha sare ee booliiska dalkaas. Inkastoo qareenkooda uu sheegay in eedeynta aysan waxba ka jirin oo loo geystay jir-dil xooggan si ay u qirtaan.

Hoggaamiyihii Af-gambiga Burundi, Jen. Godefroid Niyombare oo ahaa Taliyaha guud ee ciidamada millateriga Burundi, horayna u soo noqday taliyaha sirdoonka dalkaas ayaa weli baxsad ahaan ku maqan; laaakiin warar la helay Jimcihii ayaa sheegay in uu Qorsheynayo inuu si iskiis ah xukuumadda isku soo dhiibo.

Si kastaba ha ahaatee, Burundi ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidammo qayb ka ah AMISOM, kuwaasoo ka taageera dowladda Somalia dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.