Madaxweynaha Dowlada’Mas’uuliyiinta Dowlada Yeysan Dalbanin In Lasoo Daayo Dhalin Yarada Al.Shabaabka ah

0
217

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliya ee 15-ka May ayaa Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqay in aysan ka daba imaan marka la soo xiro Shaqsiyaadka ku Eedeeysan Al-shabaabnimo.

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Dalka ayaa Xusay in ay jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya islamarkaana markii ay soo xiraan Laamaha Amaanka ka daba taga oo sheega in aysan Shabaab aheyn,waxaana uu dalbaday in Arrintaasi ay ka waantoobaan.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlada ayaa Xusay in aan Xabsiyada Dowladda lagu dhibateeyn Dadka lagu soo xiro  oo si wanaagsan loola dhaqmo,wuxuuna sheegay in Sargaalkii lagu helo in uu dhib u geystay Qof Muwaadin Soomaaliyeed ah Talaabo laga qaadayo.