Madaxweynaha “Ma jiri doonto wax waqti kordhin ah oo dowladdeyda ah, 2016 doorasho ayaa dhaceyso”

0
212

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siyaasada iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 oo la rajeynayo in Soomaaliya doorasho ka dhacdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn bogaadiyay booqashadii uu ku yimid shalay magaalada Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry, waxaana uu xusay in booqashadaas ay aheyd mid taariikhi ah oo ka turjumeysay Soomaaliyada maanta heerka ay gaartay.

Xasan Sheekh ayaa sharaxaad ka bixiyay arrimaha doorashooyinka ka dhici doono dalka sanadka 2016, waxaana uu xusay inay shardi kaliya aheyn, in deegaanada iyo tuulooyinka doorasho ka dhacaan haddii aan la gaari karin.

“Ma ahan shardi in Tuulooyinka iyo deegaanada in doorasho ka dhacaan, hadii aan la gaari karin magaalooyinka ka dhacayaan, ama caasimadaha ka dhacayaan, sanadka 2016 waxaa naga go’an in dalka doorasho ka dhacdo”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in aanay jiri doonin waqti kordhin loo sameeyo dowladdiisa, iyadoo qodobkan uu ahaa waxyaabihii uu kala hadlay John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka oo sheegay in sanadka 2016 ay Soomaaliya ka dhacdo nuuc doorasho ah.

“Waan ku celcelinay mar kale waan ku celineynaa wax kororsiimo ah ma jiraan 2016 waqtiga dowladaani markii uu dhamaado dowladii bedeli lahayd ayaa imaaneysa kororsiimadu is qab qabsi ayay leedahay is tuhuney leedahay mana dooneyno taas”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu soo hadal qaaday in ilaa 300 xubnood ay soo codsadeen inay ka mid noqdeen Guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka, xuduudaha iyo dib u eegista dastuurka, waxaana uu xusay in tallabadaas ay bilow u tahay hiigsiga sanadka 2016.

Dad badan ayaa shaki gelinayay in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacdo dalka, maadaama dowladdu aanay gacanta ku heyn dalka oo dhan, isla markaana howlo fara badan ay u harsan yihiin.