Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya Oo Gaaray Degaano Katirsan Sh/Hoose.

0
322

Madaxweynaha Koofur-Galbeed Soomaliya ayaa gaaray degaanka Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkas oo uu kulamo ku leeyahay saraakiisha ciidammada iyo qeybaha bulshada.

Safarka Shariif Xasan ayaa ku saabsan sidii looga shaqeyn lahaa ammaanka adkeynta gobolka iyo gaar ahaan waddada isku xirta Beydhabo iyo Muqdisho oo ay dadku aad u isticmaalaan.

Wafdiga madaxweynaha Koofur-Galbeed oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsan maamulka ayaa  kulamo la leh dadka degaanka oo ay ka codsanayaan in ciidamada qalabka sida ay la shaqeeyaan si looga adkaado kooxaha nabadda diidda.

Maamulka Goboledka Koofur-Galbeed oo ka arimiya  gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, ayaa waxa magaalo madax u ah Degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose hase yeeshee waxuu hadda si KMG ah ugu shaqeeyaan magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.