Madaxweynaha Soomaalia Oo Ka Tacsiyadeyay Geriddi Ku Timid Xildhibaan Yusuf Dirir.

0
216

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ilaaheey uga baryay in Xildhibaan Yusuf Dirir oo naxariistii Janno ka waraabiyo.

Qoyska marxuumka, eheladiisa iyo Baarlamaanka Soomaaliyana wuxuu u rajeeyay in Ilaah ka siiyo Samir iyo iimaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Alle ha ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo ehaladda, qaraabada, Baarlmaanka iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed“

“Xildhibaanku waxa uu ahaa howl kar oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed isla markaana dowladnimada aad u jecelaa.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo daba.galka falalka noocaan oo in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameeyaan kooxihi falkaasi geystay.