Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaya Caleema Saarka Madaxweynaha Nigeria

0
268

Madaxweyanha jamhuuriyadda Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Abuuja eee xarunta dalka Dalka Nigeria, halkaasi uu kaga qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha cusub dalkaasi Muhamadu Buhari.

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria ayaa loo doortay xilka madaxtinimo 1.dii April ee sanadkani, isagoo kaga guuleystay doorashada madaxweynihiii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka mid noqonaya madax badan oo caalamka ah oo ka qeybgaleysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeriya .

Inta uu joogo Magaalada Abuuja Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato madaweynaha Cusub ee dalkaasi kaasi oo diirada lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga Qatar-ta kooxda aragxisada sida Al-shabab iyo Boka xaraam ee Nigeria ka dagaalanta .

Muhamadu Buhari oo isagu ah nin ka soo jeeda deegaanada waqooyi ee Muslimiinta Nigeria, ayaa ololihiisa ku galay inuu wax ka qaban doono amniga gaar ahaan Boko Xaraam, Musuq Maasuqa iyo Dhaqaalaha dalka Nigeria.

Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa 3 goor oo hore u tartamay xilka Madaxweynenimo, wuxuuna sidoo kale horey uga soo taliyey dalka Nigeria 1984-tii muddo kooban oo uu inqilaab militari ku qabsaday ka hor intaan isna inqilaab xilka looga xayuubin 20 bilood kadib