Madaxweyne Cusub Oo Loo Doortay Bangiga Horumarinta Afrika

0
258

Akinwumi Adesina ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Akinwumi Adesina oo u dhashay dalka Nigeria ayaa haatan ah wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Deegaanada Miyiga ee dalkaasi Nigeria.

Waxa uu xilkan kala wareegayaa Donald Kaberuka oo xilka uu hadda hayo uu ku eg yahay bisha Agoosto ee sanadkan.

Guusha Akinwumi Adesina ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta dalka Ivory Coast, Albert Toikeusse Mabri, oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga Bangiga Horumarinta Afrika.

Doorashada uu ku soo baxay Akinwumi ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Abidjan oo uu ka dhacayay shirka sanadlaha ah ee kooxda Bangiga Horumarinta Afrika.

Adesina oo 55 jir ah ayaa waxa uu xilka la wareegi doonaa 1 bisha Sebteembar ee sanadkan.