Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Marki Uguu Horeysay Magalada Baydhaba Ka Fulisay Xukun Dil Ah Rag Ka Tirsan Al.shabaab.

0
108

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle ka tirsanaa kooxda al.shabaab kaas oo lagu magacaabi jirey Siraaji C/laahi Cumar oo kooxda al.shabaab dhexdeeda loogu yeeri jirey Hanad.

Ninkan saaka xukunka lagu fuliyay ayaa weerar ku soo qaaday xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo, isagoo wata gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana weerarkaasi ku geeriyootay saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .

15/04/2015 ayaa Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waxaa ay xukun dil ah ku riday iyadoo maantana xukunkaasi lagu fuliyay.

Ciidamo ka tirsan xooga dalka, Boliiska iyo Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa fagaare ku yaala magaalada Baydhabo ku fuliyay xukunka toogashada ah.

Goobta xukunkan lagu fuliyay ayaa waxaa joogay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya gaashaanle sare Liibaan Cali Yaow, gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gobolada Baay,Gedo iyo Bakool Janaraal Ibraahim Yarow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galeed ee dalka soomaalia.

Sida uu sharciga qabo waxaa meydka la wareegay dowladda hoose ee magaalada Baydhabo, ayaga ayaana aasi doona insha.allaah.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay u fadhiisato dacwad ciqaabeed loo heysto eedeysanayaal kala duwan oo ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.

Waa xukunkii ugu horeeyay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku fuliso magaalada Baydhabo, waxaana mas’uuliyiinta maxkamadda ciidanka qalabka sida inta ay joogaan magaalada Baydhabo ay wayigelin u sameyn ciidanka qalabka sida ee deegaanadaasi ku sugan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here