Millitariga Burundi Oo Gaaf Wareegaya Caasimadda Bujumbura.

0
274

Millitariga Burundi ayaa gaafwareegaya wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, halkaas oo banaanbaxayaal ay ku ballanqaadeen dibadbaxyo kale oo dheeraad ah, kuwasoo ka dhan ah isku dayga uu madaxweynuhu ku doonayo inuu mar 3aad xafiiska qabto.

Askartu waxay rajaynayaan inay xirxiraan taageerayaasha baxsadka ah ee ka harsan qolyihii sameeyey isku daygii todobaadkii hore la doonayey in xukunka lagaga tuuro madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in la soo afjaro banaanbaxyada, oo uu la xiriiriyey afgambigii la isku dayey.

Qabanqaabiyeyaasha dibadbaxyada ayaa beeniyay in ay wax xiriir ah la leeyihiin inqilaabka, waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada.