Mooshinkii Laga Keenay Barlamaanka Jubbaland Oo Baarlamaanka Soomaalia Uu Ka Dooday Manta.

0
240

Xildhibaanada Soomaaliya ayaa maanta Dood ka yeeshay Mooshin Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka ay ka keeneen Maamulka Jubbaland iyo qaabka loo maray Dhismaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Kulanka Golaha Shacbiga ee maanta ayaa waxaa Shir Gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari waxaana Dhinacyada ka fadhiyay Labadiisa ku Xigeen.

Baarlamaanka oo Kooramkiisa uu xili danbe Furmay ayaa ku furmay 163 Xildhibaan,waxaana  Guddoonka uu Baarlamaanka  ka Codsaday in ay is qoraan,iyadoo ay is qoreen 39 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa guda galay ka doodista Mooshinka,waxaana 19 Xildhibaan oo Mooshinka ka dooday intooda badan ay isku raaceen in Dhismaha Baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid qalad ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Barri laga sii doodi doono Mooshinka oo maanta uu Waqtiga ku dhacay,sidaana waxaa lagu soo xiray Kulankii Baarlamaanka.