Muhaajiriinta Aasiya oo laga shirayo Kadib Markii Wadamada Qaar Lagu Edeyay,,

0
273

Wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka Thailand, Malaysia iyo Indonesia ayaa saaka ku shiraya caasimada Kuala Lumpur, iyaga oo ka xaajoonaya xiisadda muhaajiriinta gobolka.

Saddexda dal ayaa lagu dhaliilay in ay diideen qaabilaada kumannaan qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo u dhashay qowmiyadaha Bangladeshisiga iyo Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar ee ku go’doonsan badda.

Waxaa cadaadis xooggan uu saaran yahay dalalka ku yaalla Koonfur bari Aasiya, kuwaas oo laga doonayo in ay caawiyaan muhaajiriinta ka yimid dalalka Bangladesh iyo Myanmar ee mudada todobaadyada ah ku go’doonsan badda.

Balse waxaa adkaan doonta in shirka maanta ka dhacaya caasimadda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia uu kasoo baxo xal sahlan. Saddexda dal ee shiraya ayaan midkoodna dooneyn in uu qaabilo muhaajiriinta.

Sidoo kale waxaa shirka ka maqan dalka Myanmar, oo ah halka ay kasoo baxsanayaan inta badan muhaajiriinta laga arrinsanayo.

Myanmar ayaa diiddan in ay masuul ka tahay dhibaatada taagan, balse dalalka gobolka ayaa rumeysan in xaaladan laga baaqsan karo, haddii dowladda dalkaasi ay joojiso dhibaatada ay ku hayso Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi.

Malaysia ayaa ah dalka ay aadka u rabaan inta badan Rohingya-ha baxsadka ah, waxaana sanadihii dhowaa dalkaasi galay 45,000 oo dadkaasi ka mid ah. Balse Malaysia ayaa hadda sheegeysa in aanay intaa ka badan aqbali karin.

muhaajiriin