Muwaadiniin Soomaaliyed Oo Laga Soo Dajiyay Garoonka Muqdisho Kadib Markii laga Soo Qaaday Dalka…

0
129

Ku Dhawaad Boqol Afartan iyo Shan qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dad u dhashay Yemen isugu jiray ayaa Maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho kuwaasoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo dalka Yemen laga keeno lagana soo dajiyo Muqdisho.

Dadkan ayaa u badnaa Haween iyo Carruur, Waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Xubno ka tirsan Dowladda Somalia, hay’adaha gargaarka iyo hay’adda IOM, iyadoo loo diyaariyay dadkan cunto iyo dawooyin la siiyay markii ay diyaaradda laga soo dajiyay.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii soo dhaweeyay Dadkan ayaa u sheegay warbaahinta in dadkan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo Muqdisho, isagoo sheegay inay ku jiraan 27-qof oo u dhashay dalka Yemen.

Dadkan oo isugu jiray Haween, Carruur, Waayeel iyo Dhallinyaro ayaa waxaa qaar ka mid ah looga soo dajiyay diyaaradda gaadiidka ay ku socdaan dadka cuyaanka ah, kuwaasoo la sheegay inay xanuunsan yihiin.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay xanuunsan yihiin, Kaddib markii ay Baaritaanno ku sameeyeen Dhakhaatiir ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Odawaa oo isaguna la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkan laga keenay Yemen dib u dajin ay u sameyn doono dowladda Somalia, isla markaana lala socon doono xaalkooda.

Dadka maanta la keenay Muqdisho ayaa Qaarkood Warbaahinta la hadlay iyagoo sheegay in xaalad nololeed oo aad u ba’an ay ka jirto magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen oo ay diyaaraddu kasoo qaadday, iyagoo xusay inay maalintii oo dhan hal jeer wax cuni jireen.

Tallaabadan ayaa waxay qayb ka tahay qorshe ay dowladda Somalia sheegtay inay dib ugu soo celinayso dalka Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran Yemen oo ayna Dhibaato Fara badan iyo dagaallo ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here