Nin Maxbuus Ah Oo Lagu Delay Saldhiga Magaalada Kismaayo

0
276

Ciidamo katirsan Booliiska Jubbaland ayaa saldhiga Magaalada Kismaayo waxa ay ku dhax dileen nin eedeesanaa ahaa, kaa oo xabsiga lagu xiray, waxaana dilka maxbuuskaasi loo xiray ciidamo katirsan booliiska Jubba.

Saldhiga Magaalada Kismaayo ayaa lagu xiray labo nin oo lagu soo dacweeyay in ay xatooyo ka geesteen Hotel ay dagnaayeen, waxaana ragan Saldhiga ku xiray ciidamada booliiska oo sheegay in ay baarayaan Kiiska dambi ee loo soo xiray.

Ciidamada booliiska ee Kiiska baarayay ayaa si xunu jir dilay labada nin ee lasoo eedeeyay si ay xog uga helaan ,waxaana jirdilkaasi oo aad u darnaa uu keenay in mid kamid ah raga saldhiga ku xirnaa uu dhinto halka kana kalan uu dhaawac culus soo gaaray.

Geesta kale Taliyaha Ciidamada booliiska Saldhiga Magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay kadib markii ay soo baxday fadeexada la xariirta in Ciidamada booliiska jir dil ku dileen maxbuus u xirnaa.