Pierre Nkurunziza: Al-Shabaab waxay dooneysaa in ay weerar ku soo qaado Burundi

0
279

Madaxweynaha dalka Burundi ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab in ay qorsheyneyso weerarro ay dalkiisu ku soo qaaddo, maalmo kaddib markii uu dhicisoobay afgambi xukunka lagaga tuuri rabay.

Pierre Nkurunziza oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Bujumbura Axaddii, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yaahy khatarta dalkiisa kaga imaneyso Al-Shabaab.

Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa beeniyey hadalkaas, oo ku tilmaamay mid uu madaxweynaha kaga jeedinayo shacabkiisa, iyo caalamkaba qalalaasaha siyaasadeed ee heysta.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in eedeyntan ay tahay mid Mr. Pierre uu ku doonayo in uu dadkiisa ku qanciyo kaddib markii ay dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo.

Isku dayga afgambi ee dhicisoobay, ayaa yimid toddobaadyo ay socdeen banaan-baxyo lagu diidan yahay, in madaxweyne Pierre Nkurunziza uu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynenimada.

Burundi