Puntland oo cambaareysey qaabka Somaliland ula dhaqantey qaxootiga Yemen

0
265

Puntland ayaa cambaareysey go’aankii Somaliland dib uga celisey qaxootigii ka yimid dalka Yemen ee maalmo kahor soo gaarey magaalada Berbera.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyda Puntland ayaa lagu sheegay inaysan munaasib ahayn in la kala sooco dad dhibaateysan islamarkaana u baahan in gurmad bini’aadamnimo loo fidiyo.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto qaabilaadda iyo soo dhoweynta qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo ajaanibta ee kasoo cararaya colaadda ka aloosan dalka Yemen

hoos ka aqriso warsaxaafadeedka aay soo saartay puntland

war saxafadeed Puntland