Qaraxyo Ay Ku Dhinteen Saraakiil Burundi.Ah Oo Ka Dhacay Caasimada Wadankaas

0
254

Qaraxyo ka dhacay xarunta dalka Burundi ee Bujumbura ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan booliiska dalkaas iyo qof shacab ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliiska Burundi.

Taliye ku xigeenka booliiska Burundi, Pierre Nkurikiye ayaa isna sheegay in 10-qof oo kale ay ku dhaawacmeen laba qarax oo is-xigay, isagoo intaas ku daray in saddexda qof oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare oo booliis ah lagu dilay xaafadda Kamenge oo Bujubura ka tirsan.

Magaalada Bujumbura ayaa waxaa lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay dibad-baxayo rabshado wata oo ka dhan ah madaxweyne Pierre Nkurunziza oo sheegay inuu mar saddexaad isku sharraxayo xilka madaxweynenimo ee dalkaas, taasoo ay shacabka dalkaas si adag uga soo horjeesteen.

Intii ay socdeen mudaahaaraadyadan ayaa la sheegay inay ku dhinteen 10-qof oo ay ku jiraan saddexdan qof ee qaraxyada lagu dilay, iyadoo 66-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen iska hor-imaadyo dhexmaray ciidanka booliiska Burundi iyo dadka dibadbaxyada dhigayay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay walaac ka muujinayso in ciidamada dalka Burundi ay u adeegsadeen dadka dibadbaxyada dhigayay rasaas nool, iyadoo sidoo kale la sheegayo in 600-qof ay ciidanka Burundi xireen tan iyo markii ay dibadbaxyadu billowdeen kuwaasoo qaarkood si xun loo garaacay.

Sidoo kale, ururada bulshada rayidka dalka Burundi iyo baabulayaasha dibadbaxayada ka socda magaalada Burumbura ayaa sheegay maanta oo Sabti ah inay muddo laba maalmood ah hakiyaan dibadbaxyadooda.

“Waxaan go’aansannay inaan joojinno dibadbaxyada muddo laba maalmood ah. Maalinta koowaad waxaan ugu talo-galnay inay dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen dibadbaxyada ay sameystaan baroord-diiq, maalinta xigtana waxaan ugu talo-galnay inay dibadbaxyaashu nastaan kaddib inta aanay dib u billaabin dibadbaxyadooda maalinta Isniinta ah ee soo socota,” ayuu yiri Pacifique Nininahazwe oo ah madaxa ururka Focode oo ka mid ah 300 urur bulsho oo ku baaqay in la sameeyo dibadbaxyada socda.

Mudaaharaadyada ka socda dalka Burundi ayaa noqonaya kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara tan iyo markii ay dhammaaday dagaalladii sokeeye ee ka socday Dalkaas Sannadkii 2015-kii.

Goobjoogayaal ku sugan Bujumbura ayaa soo sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay weli ka jirto caasimadda dalkaas, iyadoo waddooyinkana lagu arkayo dadweyne careysan oo wata boorar iyo dhagaxyo, kuwaasoo u hamuun qaba inay dibadbaxyo kale dhacaan.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya Burundi ayaa sheegaya inay cabsi ka qabaan 800,000 oo dalkaas ka barakacay sannadkii 1994-kii inay dib ugu laabtaan dalkooda iyagoo sheegay inay dhici karto inay colaado kale oo ku sameysan isirka ay ka dilaacaan, kuwaasoo ku nool dalalka dariska ah, sida Rwanda iyo Congo.

Ugu dambeyn, dadka saadaaliya xaaladaha Qaaradda Afrika ayaa sheegaya in rabshadaha iyo dibadbaxyada ka socda Burundi ay horseedi karaan inuu mar kale waddankaas cagaha la galo dagaal sokeeye oo uu dhiig badan ku daato.

Burundi_Qaraxyo_Bujumbura (2) Burundi_Qaraxyo_Bujumbura (1)