QAYBTII 2-AAD: Wareysigii uu HOL siiyay Jeelle oo uu kaga hadlayo Taariikhdiisii Nololeed iyo Shaqo

0
487

Col. Cismaan Maxamed Jeelle ayaa qaybta labaad ee War-eysiga uu siiyay HOL uga Warramay Taariikhdiisii Nololeed, midisii Waxbarasho iyo middiisii shaqo ee uu kasoo qabtay ciidankii xoogga dalka Somalia iyo weliba dowladihii dalka soo maray.

Qaybta Labaad ee Wareysiga uu Jeelle siiyay HOL ayaa ku billowdan Sidan;

HOL: Taariikh Nololedkaaga bal Nooga Sheekee sida Kaalintii aad ku lahayd Dowladda Rayidka ahayd oo aad la shaqeysay kaddib markii aad Masar ee kusoo baratay Culuunta Ciidamada?

JEELLE: (1) – Dhalashadeydii iyo barbaariddeydii – Waxaan ku dhashay meel u dhow tuulada lagu magacaabo Afgooye Baadi-cadde oo ka tirsan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan sannadku markuu ahaa 1938-kii, markii saddex sano jiray ayuu Qoyskeennii u guuray meel lagu Magacaabo Balcad oo ahayd halkii aan kusoo barbaaray. Haddaba waxaa dhacday dhacdo la yaab leh oo ahayd inay hal sano gudihiis ku wada-dhinteen laba wiil iyo gabar iga weynaa oo aanu walaalo ahayn; aniguna waxaan ahaa xilligaas wiilka reerka ugu yar.

(2) Waxbarashadeeydii – Sanadkaas ayay hooyadey Allaha u raxmadee igu dartay dugsi Qur’aan uu hayay Sheekh lagu Magacaabi jiray Sh. Cali Macallin Shiikhoow isna Allaha u naxariistee; halkaasoo aan ku xafiday Qur’aanka Kariimka ah, marka maadaama aan madi noqday anigoo yar ayaan isla garannay aniga iyo hooyadeey inaan waxbarasho u aado Muqdisho sidaas ayaanan ku imid Xamar kana billaabay Waxbarashada Diinta iyo Afka Carabiga, waxaana uu Alle i siiyay fahmo aan wax walba ku xafido illaa ay ka yimaadeen dalka macallimiin ka socotay Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar oo ay ku heshiiyeen iyaga iyo Talyaaniga oo Dalka Maamulyay xilligaas in laga furo Xamar Dugsi Dhaxe iyo Sare oo laga barto Culuunta Islaamka (Dishablina Islaamica) oo leh laba Maamule mid Masri ah iyo mid Talyaani ah. Xilligaas Qaramada Midoobay ayaa u soo Wakiilatay Talyaaniga in ay muddo Toban sano ah maamulaan Somalia si ay ugu diyiaariyaan in gobonimo la gaarsiiyo dalka.

Dugsigii Masaaridu furtay ayaa soo bandhigay tartan uu ku Qaadanayo Arday kaas oo aan ka qaybgalay kuna guuleystay inaan galo oo aan Waxbarashada Dugsiga Sare ku dhameeyo; halkaasoo uu Wasiir ku xigeeynkii Wasaaradda Waxbarashada Allaha u naxariisteen C/raxmaan Xaaji Muumin uu igu Guddoonsiiyay Hadiyad uu ii gartay Dugsiga oo ahayd (Saacad Qaali ah) Maadaama aan keenay natiijo heerkii ugu sarreysay Imtixaanka.

Intii aan Dugsiga dhiganayay ayaan furay dugsi Private ah oo an Maamuule iyo Macallinba ka ahaa oo u dhaqaale badani iga soo geli jiray; Kadibna Waxaan ka Qaybgalay tartan macallinnimo oo dowladdu soo bandhigtay kaasoo isagana aan ku guuleystay anigoo weli arday ah oo 7:00 subaxnimo illaa 01:00 duhurnimo Arday ahaa; Marka la gaaro 2:00 Duhurkii illaa 6:00 Marqabrinimad aan Macallin ka ahaa Dugsiga Dowladda ee Bilaajo Carab. 6:00 Maqribnimo illaa 9:00 Fiidnimo Macallin Dadka Waaweeyn oo dowladdu lacag ku bixin jirtay ayaan ahaa, Waana 15 saac oo Xiriir ah oo aan kala go’ lahayn. Haddana waxaa soo baxday Deeq Waxbarasho oo ah Sarkaalnimo Ciidan oo loo qaadanayay 10-ruux oo haysta Shahaadada Dugsiga Sare ah oo ay ku deeqday Dowladda Masar, Waxaan Tartan ku galnay 73 ruux oo an ka mid ahaa, Waxaana ka galay 10-kii ruux ee guuleystay Lambarkii labaad; markaasoo aan u dhoofay Masar kana galnay Akadeemiyada Dagaalka oo markii aan soo dhameystay aan dib ugu soo laabtay dalka anigoo kasoo qaatay Jaamacada Culuumta Military Shahaado ahayd (Bachelor of Military Science) iyo Takhasuska ah Gawaarida Gaashaaman, markaasoo aan ku biiray ciidamadii Xoogga Dalka Somalia anigoo ah sarkaal xiddigle ah.

(3) – Xilalkii Ciidan ee aan soo Qabtay: Tan iyo markii aan ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaan qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin; Hoggaamin ciidan dagaal, tababar ciidan, dagaal-gelin ciidan iyo mid xafiis intaba. Ugu horeyn waxaa la ii bedelay qaybtii Waqooyiga oo lagu Magacaabi jiray (Settore Settentoryale) oo ay xaruntiisu ahayd Magaalada Hargeysa, waxaana la ii xil-saaray inaan habeen iyo maalinba aan isku dubbarido Cagaf-cagafyo dagaal (Cingolati) maadaama aanay oollin Taangiyo – waanan habeeyay, kaddibna waxaa la ii dhiibay Tababar Ciidan Cusub oo lasoo qoray anigoo ku barbaarin jirnay ad-adeyg si ay hadhow dagaalka ugu ugu adkeystaan.

Waxaa kaloon Qabtay anigoo ahaa qofkii lagu lagu furay jagada Madaxa hoggaanka haynta iyo xafididda Sirta Qaranka oo ahayd heshiisyada ay Dowladdu la gasho dowladaha kale; sida hubka Ciidamada iyo Dhammaan heshiisyada Sirta ah oo ay dowladdu gasho; iyadoo la iga soo doortay 144 Sarkaal, Xafiiskaas oo la Asaasay kaddib markii lagu eedeeyay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaas Axmed Yuusuf Ducaale – Run iyo been mid ay tahay ma aqaane – inuu ka gadan rabay safaaradda Faransiiska Qoraal Sir ahaa oo Golaha Wasiirradu ka gaaray arrimaha dalka Jabuuti oo xilligaas u halgamaysay xornimo, taasoo loo arkayay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed inuu yahay midka ugu badbaada roon hay’adda dowladda, sidaasna loogu soo wareejiyay wixii Dukumiintiyo Sir ahaa oo ay Doowlddu la gashay dalal dibadda ah, halkaasoo an ahaa ninka keliya oo ogaa qiimaha ay noogu ku fadhiyeen xabadda rasaasta ah illaa dayaaradda dagaalka ee Miig 21 oo ahayd midda xilligaa ugu qaalisanayd hubka, waxaanan xilkaas hayay illaa u Kacaanku ka curto 1969-kii.

(4) Xilalkii Gudaha ee aan kasoo Qabtay Dowladda Millateriga: [1] Xubin Golihii Sare ee Kacaanka, [2] u Qaybsanaha Arrimaha Shaqaalaha Dowladda, [3] Duqa Magaalada Muqdisho, [4] Wasiirka Xannaannada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa,[5] Guddoomiyaha Hoggaanka Maaliyadda Xisbigii Hanti-wadaagga, [6] Guddoomiyihii Hoggaanka guud ee Caafimaadka iyo Cilmi-baarista Xisbigii Hanti-wadaagga, [7] Xubin Guddiga Arrimaha Bulshada iyo [8] Xubin Guddigii Dhaqaalaha Qaranka.

(5) Xilalkii Dibadeed ee la ii Xil-saaray: Xilaalkii aan ka hayay Gudaha Dalka waxaa ii wehliyay safarro aan ku kala bixin jiray dalka dibadddiisa, iyadoo la ii xil-saaray in aan dowladaha kala soo xaajoodo Arrimaha Siyaasadeed ama Dhaqaale ama kuwa kale oo xasaasiga ah ee markaas taagnaa oo ka careysiiyay dalalka Carabta ah ama Muslimiinta oo dhan; aniguna aan sabab u ahaa sida markii uu Golihii Sare ee Kacaanku dalka kusoo rogay Nidaamka Hanti-wadaagga Cilmiga ku dhisan; Lama diidanayn Hanti-wadaagga ee waxaa la diidanaa eraga ah (Cilmiga ku dhisan) oo u dhadhamayay inaan Diin la Qqoonsanayn, wuxuuna igu yiri Madaxweynihii Suuriya, Xaafid Al_asad mar aan kulannay – Cismaanoow miyaad waalateen? Waxaan la baxsan la’ nahay Hanti-wadaag kaligiis ee ma waxaad ku darteen Cilmi ku dhisan? iyo markii u Golihii Sare soo rogay wixii markaas lagu Tilmaamay (Xeerka Qoyska) oo simayay dhaxalka Labka iyo Dhidiga, kaasoo loo arkay gaalnimo cad maadaama uu si cad u baal maray amarkii Ilaahay ee uu Qur’aankiisa noogu sheegay ee ahaa ( للذكر مثل حظ الأنثيين ) taasoo aniga la ii arkay inaan ahay kan ku habboon oo soo damin kara Carada Muslimiintu ay noo qaadeen oo xilkeygu wuxuu ahaay safar ka imow oo mid kale u bax, Waxaana iigu darnayd markii anigoo safar ugu maqanaa dibadda oo jooga Magaalada Sanca oo ahayd caasimaddii Waqooyigii Yemen intii labada dal aysan midoobin oo ay ii dhiman tahay keliya Koonfurtii Yemen xarunteedii Cadan oo aan berri oo kale u duuli doono, wax yar kaddib waxaa iigu yimid Gurigii Martida Safiirkeennii dalkaas oo ii sida taar leh – Waa inaad berri dalka kusoo laabtaa si aad u hoggaamiso wafdi maalinta saddexaad Dhoofaya.

Sidoo kale, waxaan had iyo jeer la socon jiray Maxamed Siyaad Barre mararka uu aadayo Shirarka Dalalka Carbeed ama Muslimiinta; Anigoo Qori jiray kudbadaha uu ka jeedinayo shirarkaas, mararka qaarkoodna aan aniga ka akhrin jiray shirarka caalamiga ah.

Waxaa iyadana jirtay inaan Kal-fadhigii Guud ee Qaramada Midoobay Sannadkii 1974-kii aan ka Qayb-galay anigoo ku Hadlayay magaca Guddoomiye Sannadeedkii Afrika oo uu ahaa Madaxweynaha Somalia oo ay ahayd inuu ka jeediyo halkaas khudbad sanadeedkii ARAGTIDA AFRIKA, laakiin uu Aniga ii soo Wakiishay Halkaas oo aan ka jeediyay kulanka khudbad aad loola dhacay. C/risaaq Xaaji Xuseen oo xilligaas ahaa ergayga Somalia ee Qaramada Midoobay ayaa Maxamed Siyaad u soo qoray Warqad uu ku leeyahay ‘Jeelle wuxuu muujiyay States-Man-Ship-nimo oo uu ku celiyay eragaas laba jeer’.

col,cismaan jeele

La soco Qayb kale oo Wareysigan ka mid ah;

Xigasho hiiraan.com