Radio Galgaduud xarunta Guriceel oo hawada ka maqan maalintii Sadaxaad

0
248

Idaacada Radio Galgaduud oo ah Idaacada loogu dhageysiga badanyahay Gobolka Galgaduud kana hadasha degaano Badan oo Gobolka ah ayaa Maalintii 3xaad hawada kamaqan.

Idaacada ayaa waxa xiray Ciidamada Ahlu-sunna kadib markii ay amreen Saraakiishooda in la xiro Radio Galgaduud.

Sarakiisha Ahlusunna oo ka hadlay Sababta ay Radio Galgaduud u xireen ayaa sheegay in ay ka rabaan Idaacada in Wararkooda ay buun buuniso kana tagto wararka kale ee Dalka sida kuwa Dowladda.

Taasi waxa ku tuseysaa qaladka lagu xiray Radio Galgaduud in uu yahay mid aan geed loogu soo ganban, waayo Radio Galgaduud waa Idaacad Madaxbanaan kumana hadli karto Afka qolo gooniya oo siyaasad u ordeysa iyo in danaheeda gaarto.

Maamulka Radio Galgaduud ayaa wali ku adkeysanaya in aysan aqbalayn wadahadal walba oo ujeedkisu yahay in Idaacacada looga fushado dano gaar ah ayna taas ka doorbidayaan in ay sii dansanaato