Ra’iisul Wasaaraha dalka Libiya oo isku day dil ka bad baaday Kadib Markii ,,

0
246

Ra’iisul Wasaaraha dalka Libiya Abdullah al-Thinni ayaa ka bad baaday isku day la doonayay in lagu qaarijiyo, kadib markii kolonyo uu la socday rasaas ay ku fureen dabley hubeysan oo aan la garaneyn.

Abdullah al-Thinni ayaa kolonyada uu la socday la weeraray wax yar kadib markii uu ka baxay dhismaha baarlamaanka oo ku yaalla magaalada Tabruuk ee bariga dalka Libiya.

Mid ka mid ah Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhaawacmay weerarkan, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu bad qabo.

Sidoo kale dableyda ayaa weeraray dhismaha baarlamaanka, waxaana tacshiirad ay dhex martay ciidamada ammaanka iyo kooxahan hubeysan.

Weerarkan uu ka bad baaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa wali cidna sheegan, hase ahaatee qeybo ka mid ah dalka Libiya ayaa waxaa gacanta ku haya Maleeshiyooyin Islaamiyiin ah oo gacan saar la leh Daacish.

Xaalada dalka Libiya ayaa aheyd mid qasan tan iyo wixii ka dambeeyay markii talada laga tuuray Hogaamiyihii hore ee dalkaas Mucaamir Qadaafi.