Ra’iisul Wasaaraha oo wada hadalo kula leh Kismaayo Madaxda Maamulka Jubba

0
209

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Maamulka Jubbaland, iyadoo kulamadan looga hadlayo arrinta muranka dhaliyay ee xulista Baarlamaanka Jubba.

Inkastoo kulamo horu dhac ah ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Maamulka Jubba, hadana waxaa maanta la filayaa in la sii amba-qaado waa hadalada ku aadan xaaladaha Jubbooyinka iyo muranka ka dhashay xulashada Baarlamaanka Jubba oo ay mooshin ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto cabashada la xiriirta xulista Baarlamaanka Jubba, waxaana kulamo horu dhac ah yeelan doona Guddiyo Wasiiro ah oo Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa si gaar ah iskula soo qaadi arrinta cabashada ee ku aadan dhismaha Baarlamaanka Jubba, waxaana Maamulka Jubba uu wali ku doodayaa in sidii loogu tala galay ay u dhacday xulista Baarlamaanka Jubba.

Kulamadan ayaa la filayaa inay go’aano laga soo saaro, kaasoo xal u noqon doona muranka ka taagan dhismaha baarlamaanka Jubba, hase ahaatee waxaa la ogeyn wax kasta oo heshiiskaas ka soo baxa sida ay ugu qanci karaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka geeyay dhismaha Baarlamaanka Jubba