R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Shegay In Gudi Loo Saarayo Khilaafka Jubaland

0
293

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, waxana garoonka ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada golle, Saraakiisha Ciidanka, iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda Jubaland iyo qaabka ugu hoboon ee loo xalin karo tabashooyinka ay ka qabanaa baarlamaanka cusub ee Jubaland qaar ka mid ah dadka deegaanku.

“Maamulka Jubaland si wanaagsan ayeey noo soo dhaweyeen, waaxana isla gaarnay is afgarad, kaas oo uu faafaahiyey Wasiiru Dowlaha Warfaafinta. Jubaland iyo dowlada federaalka waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxyaalaha hada cabashadu ka jirtana waxay xukuumadu u saaraysaa guddi la fariista dadka cabanaya iyo maamulka Jubaland, waxaana rajo ka qabaa in arrimuhu u xalismayaan si dhaqso ah  hadii Alle Idm”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubaland ay isku soo qaadeen arrimaha dastuurka iyo dhamaystirka higsiga 2016

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey sida diiran ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Shacabka reer Jubaland, Wuxuuna ku timaamay in safaraasi ahaa mid guul ku soo idlaaday.