Somalia oo Maanta Barlamaanka ka Hor-jeediyay Barnaamijka Xukuumadiisa

0
249

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali oo ay wehliyaan ra’iisul wasaare ku-xigeenkisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta Hor-tagay Golaha Baarlamaanka si uu uga Hor jeediyo Barnaamijka Xukuumadda, isagoo faahfaahin ka bixiyay Qorshayaasha horyaala Xukuumaddiisa.

Sharma’arke ayaa xusay in arrimaha amniga ay xukuumadiisa mudnaanta koowaad siisay, isagoo intaas ku daray in Xukuumaddu diyaarisay Dadaallo wax looga Qabanayo Amniga, kaasoo ay iska-kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyay waxayaabihii xukuumadda u qabsoomay qabsoomay dhanka fadaraaleynta dalka iyo dhisida maamul-goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in kulankii Golaha Wasiirrada ee dhacay 07-dii May, 2015-kii ay ansixiyeen saddex guddi oo udub-dhexaad u ah xaqiijinta Hiigsiga 2016-ka, waxaana gudiyadaas ka mid ahaa Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka, gudigaasoo looga fadhiyo inuu dalka u diyaariyo hannaan doorasho sannadka soo socda. Isagoo Baarlamaanka ka codsaday inay guddiyada madaxa-bannaan si dhaqso ah u ansixiyaan, si waajibaadkooda shaqo ay durbadiiba u guda-galaan.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Golaha Shacabka inay dadajiyaan ansixinta shuruucda hortaalla iyo Gudiyada Madaxa-bannaan oo xukuumaddu hadda dhistay, si dalkan loo gaarsiiyo inay ka dhacdo doorasho marka la gaaro bisha September sannadkan 2016-ka.

 

BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (1) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (2) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (3) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (4) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (5) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (6) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (7) BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (8)