Soomaalida Ku Nool Koonfur Afrika Oo Qaarkood Ay Ku Nool Yihiin Masaajidda Dalkaasi Ku Yaala,

0
209

Kaddib markii Koonfur Afrika ay ka dhaceen weerarro jinsi nacayb ah ayaa waxay Soomaali badan ku waayeen xoolahoodii, taasoo ku khasabtay inay hoy ka dhigtaan masaajidda, sidoo kalena ay cunaan cunnooyin ay siiyaan muslimiin dalkaas ku nool.

Xasan Daahir oo ka mid ah Soomaalida hantidooda ku waayay Koonfur Afrika oo BBC da la hadlay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ku dhacday, isagoo sheegay in markii hore uu ka shaqeynayay magaalada Eastern-cape, balse uu u soo wareegay Darban, halkaasoo lagu dhacay dhammaan hantidii uu lahaa.

Sidoo kale, ganacsadahan ayaa in weerarka dukaankiisii lagu soo qaaday uu dhacay bishii lasoo dhaafay ee Abriil. Wuxuuna xusay in laba waqti keliya ay cunno cunaan, kuwaasoo kala ah, Qado iyo Casho, ayna siiyaan Muslimiinta uu dhalatay dalka hidia,

Muslimiinta Hidida ah Cunno Wanaagsan ayay na siiyaan, Xitaa dhar ayay noo keenaan, wayna nagu soo booqdaan goobaha aan ku nool nahay,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo intaas ku daray in iyagoo 30-qof ah ay ku nool yihiin masaajidda.

Wuxuu intaas ku daray inuu saddex maalmood ka hor kasoo baxay isbitaal la dhigay markii jir dilka loo geystay, weliina uu mid ka mid ah saaxiibbadii ku jiro isbitaalka oo dhaawacyo looga daweynayo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa bishii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay rabshado ay dad badan ku dhinteen, iyadoo rabshadahaas lagu boobay hantida ajaanibtii ku sugnaa dalka, kuwaas oo qaarkood isaga cararay Koonfur Afrika.