Soomaaliland Oo Shegtay in ay Dib u Furmayaan Wadahadladii U dhaxeyay M/Soomaalinad Iyo Soomaaliya

0
217
????????????????????????????????????

Soomaaliland ayaa Wada Dadaal ku aadan sidii uu usoo noqon lahaa Wadahadalkii ay la lahaayeen dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo dhowr jeer oo horay ka dhacay Magaalada Istaanbul ee Turkiga.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliland Maxamed Biixi Yuunis ayaa Mar uu Waraysi siinayay Wakaalada Wararka Reuters waxaa uu sheegay inay ku rajo wayn yihiin in bilaha soosocda uu Markale ay isgu yimaadaan wadahadlkii Turkiga uu dhexdhexaadinayay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dawladda Norway & Midowga Yurub ay ugu baaqayaan in shirka ay kasoo qaybgalana dhexdhexaadiyayaashana ay qayb ka noqdaan.

Somaliland ayaa u muuqata inay saluugsan tahay dhex-dhexaadinta xukuumadda Turkiga, maadama Turkigu uu Xiriir Wanaagsan la leeyahay Dowladda Federaalka Somalia, ayna ka wadaan mashaariic horumarineedna oo fara badan.

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee Dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa ku soo dhamaaday Natiijo la’aan kadib markii la isku fahmi waayay Ergada ka qeyb Galeysa Wadahadaladaasi.